Dowladda federaalka ah ayaa saaka wafdi wasiirro, xildhibaan iyo ajaanib isugu jira u dirtay dekadda Hobyo ee Galmudug si loo qiimeeyo.
Wasiiru dowladaha howlaha guud ee federaalka Axmed Cabdi Kaariye oo goordhaw la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay gaareen goobta, ujeedka safarkana uu yahay dhismaha dekadda Hobyo, isaga oo intaasi raaciyay in ay la socdaan shirkado iyo Injineerro shiinees ah oo qiimeyn guud iyo cabir ku sameynaya dekadda Hobyo.
Wafdiga waxaa ka mid ah, Wasiir ku-xigeenka wasaarada dakadaha federaalka ah, wasiirka dekadaha Galmudug, Sentar Abdi Qeybdiid iyo mas’uuliyiin kale oo gobolka u dhashay.




From the comments