Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu ka furmo shirka golaha amniga qaranka, kaasi oo looga hadli doono amniga guud ee dalka.
Saacadaha soo aadan ayaa la filayaa in shirkan uu ka furmo magaalada, waxaana shir guddoomin doona madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.
Shirkan oo ay ka qeybgali doonaan madaxda sare ee dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa diiradda lagu saari doonaa waxyaabihii ka qabsoomay qodobadii horey looga soo saaray shirarkii golahu horey u yeeshay.




From the comments