Xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ay joojisay lacag mushaar bille ahaa oo ay siin jirtay saddex ka mid ah abwaannada Soomaaliyeed kuwaasi oo kala ah; abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi – Xasan Ganey iyo abwaan Cabdi Aadan Xaad – Qays.
Cabdirisaaq Hurre Walan-wal oo ah ehellada abwaan Hadraawi ayaa Goobjoog News u sheegay in muddo saddex bilood ah aanay qaadan abwaannadu lacagtaasi ay siin jirtay xukuumadda Somaliland.
Lacagtan oo ay abwaannadu ka qaadan jireen madaxtooyada Somaliland ayaa waxa ay qaadanayeen muddo gaadhaysa siddeed bilood (8-bilood). Waxaana u qoray madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo.




From the comments