Waxaa maanta Muqdisho ka furmaya shirka Golaha Amniga Qaranka, ee lagu falan-qeyn-doono amniga dalka iyo dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Shirkan oo daba-socday mid isla Muqdisho ka dhacay December 4, ee sanadkii hore, waxaa lagu wadaa in go’aan looga gaaro sidii loo dhisi lahaa ciidamada xoogga dalka, maal-gelintooda iyo soo-celinta amniga guud ee dalka.
Dhammaan madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ayaa ku sugan caasimadda, xalay waxaa casho sharaf u sameeyay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.




From the comments