Hey’adda ICRC-da ayaa waxaa ay ka mid ah hey’adaha Soomaalida gar-gaarayey 35tii sano ee la soo dhaafay, iyada oo wax badan ka qabatay arrimaha banii’aadnimada.
Hadaba, qoraal ay soo saartay hey’addan waxaa ay sheegeysaa in sanadkii tagay ay ka qeyb-qaadatay caawinta dadka ay waxyeellada ka soo gaartay abaarta iyo dagaallada ee ku nool gudaha Soomaaliya, illaa 2.3 million oo Soomaali ah ayaa waxaa ay gaarsiisay caawimaad, dadkaasi oo 1.3 ka mid ah la siiyay lacag, cunto iyo qalbaka guryaha, waxaa kale oo ay daaweeyeen xoolaha.
Qoraalka waxaa ku jiray illaa 480,000 oo qof ay heleen daawo, 700,000 oo helay biyo nadiif ah, waxaa kale oo ay booqdeen illaa 43 goob oo dadka lagu xiro.




From the comments