Guddiga Olombikada adduunka ayaa maanta oo arbaco ah kulan ka dhacay Pyeongchang shaaciyay in 2022-ka qaaradda Afrika lagu qaban-doono ciyaaraha Olombikada dhalinyarada ama “the Youth Olympic Games (YOG)”.
Codeynta oo aqlabiyad u dhacday kadib, Thomas Bach oo ah madaxa guddiga Olombikada oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la gaaray waqtigii Afrika.
Dalka lagu qaban-doono waxaa go’aan laga gaari-doona ciyaaraha fudud ee dalka argentina ka dhici-doona bisha October ee sanadkan.




From the comments