Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaaladaasi.
Wariyaasha Goobjoog ee gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in ciidamadan ay howlgalkaan ku baarayeen dadka, gaadiidka iyo guryaha.
Saraakiisha ammaanka ee howlgalkaan hoggaamineysa ayaa warbaahinta u sheegay iney jiraan dad lasoo qabtay, balse baaritaan ay ku wadaan.




From the comments