Saddex qof ayaa ku dhimatay, 75 kalana dhaawacyo ayaa ka soo gaartay labo qarax oo lala beegsaday masjid ku yaallo magaalada Banghazi, ee bariga Libya.
Labo todobaad ayaa laga joogaa, markii ay ku dhinteen 35 qof labo qarax oo isku ekaa kuwaasi oo lala-beegsaday magaaladani, Banghazi waa magaalada labaad ee ugu Libya ka dib magaalo madaxda dalka ee Tripoli.
Banghazi waxaa gacanta ku haayo ciidamada qaranka Libya, ee uu hogaamiyo Khaliif Xaftar, kaasi oo dagaal kula jiro ururada Islaamiyiinta ah ee Ku sugan magaalada gudaheeda.




From the comments