Maamulka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey xaaladda amniga ee magaaladaasi oo maalmahan dambe falal amni darro ay ka dhacayeen.
Maxamed Cismaan Qallaafow, guddoomiyaha B/weyne oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in amniga uu hadda soo hagaagayo, islamarkaana ciidamada ay wadaan howlgallo amniga la xiriira.
“Shir ayaa ka dhacay gobolka, waxaa la isku fahmay in amniga la sugo, waxaa laga fekerayaa tallaabo dheeraad ah oo la qaadayo, xaaladuna wey hagaagsan tahay” ayuu yiri Duqa B/weyne.




From the comments