Maamulka dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa markii ugu horreysay magaaladaasi ka hirgeliyey mashruuc biyaha looga saarayo magaalada, maadaama xilliyada roobka ay biyo badan fariistaan Gaalkacyo.
Mashruucan oo ah kuwo ay iska kaashanayaan maamulka Gaalkacyo iyo ganacsato ayaa waxaa daahfuray duqa Gaalkacyo ee Galmudug, Xirsi Yuusuf Barre.
Mr. Barre ayaa sheegay in goobo badan oo Gaalkacyo ka tirsan ay shaqooyin muhiim ah ka qaban doonaan, wuxuuna bulshada magaaladaasi ugu baaqay iney ka qeybqaataan mashruucan.




From the comments