Dowladda Koofurta Suudaan ayaa diiday in ay saxiixdo qaab lagu fududeynayo soo nooleynayo heshiiskii nabad-gelyada iyaga iyo mucaaradka kaas oo burburay sanadkii 2015kii.
Wafdi ka socda oo dowladda ayaa diiday saxiixa heshiiskan lagu soo nooleyn lahaa wajiga 2aad ee wada hadalka iyaga oo iska diiday qodobka la xiriirka in tillaabo laga qaado shakhsiyaad ka hor-yimaada hirgelinta heshiisyada.
Wasiirka warfaafinta Koofurta Suudaan Michael Makuei oo jimcadii warbaahinta kula hadlayey magaalada Adis-ababa halkaasi oo lagu qabanayo wadahadallada ayaa sheegay in wakiillada dowladda Suudaan aysan ku qasbaneen saxiixa arrinkan.




From the comments