Somaliland ayaa waxaa ay dad u xirtay ka ganacsiga xayawaanka diinka, arrintaas oo bilihii ugu dambeysay laga dareemayey guud ahaan Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda Deegaanka Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo maanta warbaahinta kula hadashay magaalada Hargeysa ayaa sheegtay in ay xabsiga u taxaabeen sagaal ruux oo lagu qabto iyagoo ka ganacsanaya xayawaanka Diinka.
Wasiirku waxay intaasi ku dartay in ka ganacsiga duurjoogtu uu yahay mid ka mamnuuc ah Somaliland marka loo eego xeerarka iyo sharciga.




From the comments