Ururka midowga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee (NUSOJ) ayaa la sheegayaa in uu ka digay dhibaatada loo geysto saxafiyiinta, shan( 5) saxafi ayaa sanadkii tagay lagu dilay Soomaaliya halka la xiray illaa 32 kale iyaga oo shaqadooda ku guda jira.
Warbixintan oo ay daabacday Al-jazeera, Maxamed Ibrahim Macalimu, Xogheyaha guud ee NUSOJ, waxaa uu u sheegay shabakaddan in Soomaaliya lagu dilay 5tii sano ee la soo dhaafay illaa 51 saxafi , isaga intaasi raaciyay in hal iyo labo marka laga reebo inta kale aanan dambiilaha wax laga qabanin, waxaa uu xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in dambiilayaasha cadaaladda la hor-keeno.
Xogheyaha guud ee NUSOJ Macalimu, waxaa uu sidoo kale codsaday in la soo saaro xeerar adag, oo ilaalinaya xuquuqda saxafiga, isla markaana joojin kara falalkaas khatarta ku ah noloshooda.




From the comments