Jabhadda ONLF ayaa sheegtay in hadalka madaxweyne Farmaajo ee ahaa inuu raacsan yahay go’aankii baarlamaanku ka qaateen dhiibista Qalbi Dhagax uusan ku soo beegmin waqtigiisa.
Afhayeenka jabhaddaasi Cabdulqaadir Xasan Hirmooge oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog ayaa sheegay in dhiibista Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax laga joogo muddo dhan Lix Bil islamarkaana madaxweynaha uusan ka hadlin intaas.
Waxa uu sheegay in dhiibista Qalbi Dhagax oo dowladdu ay ku wareejisay Itoobiya bishii August ee sanadkii la soo dhaafay ay ka dambeeyeen madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya oo xilkaas laga qaaday waa sida uu hadalka u dhigaye.




From the comments