Goobjoog

Ruushka: 71 Qof Ku Dhimatay Diyaarad Burburtay

Waxaa burburtay diyaarad rakaab oo uu leeyahay dalka Ruushka kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Moscow, waxaana dhintay dhammaan rakaabkii saarnaa oo gaarayay tiradooda 65 qof iyo 6 ka…

Ruushka: 71 Qof Ku Dhimatay Diyaarad Burburtay
In this video grab provided by the Life.ru , in Stepanovskoye village, shows a fragment of the AN-148 plane crash in a field about 40 kilometers (25 miles) from the Domodedovo airport, 57 kilometers (36 miles) south-east of Moscow, Russia, Sunday, Feb. 11, 2018. Russia’s Emergencies Ministry says a passenger plane has crashed near Moscow and fragments of it have been found. (AP video via AP)

Waxaa burburtay diyaarad rakaab oo uu leeyahay dalka Ruushka kadib markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha Moscow, waxaana dhintay dhammaan rakaabkii saarnaa oo gaarayay tiradooda 65 qof iyo 6 ka mida shaqaalaha diyaaradaha.

Diyaaraddan waxaa soo qaban waayay qalabka raadeerkaka dib 5 daqiiqo markii ay duushay,  waxaa ayna ku dhacday meel u dhow tuulada Orgoona, oo 80 KM kaga baeegan dhanka koofureed magaalada Moscow, diyaaradaan ayaa waxaa lahaa shirkadda lagu magacaabo Saaratof.

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha keenay shilkani, waxa ayna baarayaan kooxaha degdegga ah iyo kuwa wax baaro meeshii ay diyaaradu ku dhacday oo baraf qariyey.

Waa shilkii ugu horreeyay oo dhaca sanadkaan cusub,waxa uuna ahaa sanadkii tagay ee 20017, kii ugu nabad-gelyada badnaa marka loo eego shilalka diyaaradaha rayidka.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments