Wasaaradda Gaashaadhigga Nigeria ayaa sheegtay in laga soo daayey Boko Haram ugu yaraan 46 qof, oo ay ku jiraan 19 haween ah iyo 27 caruur. Dadkan ayaa laga afduubtay gobolka Borno ee bariga dalkaasi.
Wasaaradda Gaashaadhigga Nigeria war murtiyeed ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in sii-deynta dadkani ay timid ka dib markii ciidamada amniga Nigeria ay howlgal ka sameeyeen gobolka bariga dalkaasi oo ay ka baadi goobayeen nin ka mid ah Boko haram.
War-murtiyeedka ayaa waxaa lagu cadeeyay in ciidamada ay burburiyeen meelo lagu dhuunto oo Boko Haram leedahay sidoo kalana waxa ay gacanta ku dhigeen 8 shixnadood oo ay ku jiraan hub.




From the comments