Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa maalintii Afaraad ka socda wadahadal u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo sidoo kale jabhadda ONLF.
Wadahadalkaan ayaa lagu doonayaa in lagu dhammeeyo khilaafka mudada soo socday ee Labada dhinac ka dhaxeeya.
Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamed Cumar oo dhanka Itoobiya hoggaaminaya wadahadalladan ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan in wax walbo lagu dhammeeyo is faham buuxa.




From the comments