Wafdi uu hoogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay kamid yihiin xubno katirsan Gudigga La socodka dib u eegista Dastuurka ee Labada aqal iyo guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka ayaa waxay kulan la qaateen Golaha Wasiirada Dawlad Goboleedka Puntland.
Madaxweyne Ku-Xigeenka ahna Ku-simaha Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Cabdixakiim Cameey oo horkacayay Golaha Wasiirda Puntland ayaa furay shirka.
“Hadaan nahay dawladda Puntland waxaan si kalsooni leh idinku ballanqaadeynaa inaan idinla shaqeyno, waxaa idiin saaran waajibaad adag oo ay eegayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waxaa nahay garbihiina wadashaqeyn iyo inaan idin la talinnaba diyaar baan u nahay” ayuu yiri Mudane Camey oo la hadlayay Wasaaradda iyo labada Guddi.




From the comments