Warbixin sanadkii hore uu Bangiga Adduunka ka soo saaray dhaqaalaha ku bixi kara amniga Soomaaliya waxaa lagu sheegay in Muqdisho u baahan tahay ilaa 10 Milyan oo Dollar si ay u dhisato Ciidamada Cirka 10-ka sano ee soo socota. Hadda 170 qof ayaa u qoran Ciidamada Cirka, mana heystaan wax qalab ah.
Bangiga Adduunku waxaa uu ku taliyay in canshuurta kor loo qaado si qarashkaasi u soo xaroodo, awoodda ciidamadana, gaar ahaan kuwa cirka, loo dhiso. Bangigu waxaa uu qarashka ku baxaya amniga gudaha ku qiyaasay sanadkii $150-220 million.
Mar uu ka hadlayey horumarinta Ciidamada Cirka, waxaa uu sheegay Bangigu in loo baahan yahay qarash dhan $50 million muddo 10 sano ah.




From the comments