Kumanaan qoys oo barakacayaal ah isla markaana ku nool duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa xilligani ka cabanaya xaaladda nolol xumo oo soo wajahday.
Dadkani barakacayaasha ah ayaa waxa ay si kugu jiraan caruur, haween iyo dad da’ ah iyo kuwo ku xoolo beelay abaartii sanadkii hore ku dhufatay gobolka Mudug, waxa ayna qaarkood horay ugu sugnaayeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Qaar ka mid ah dadkani oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa ay sheegayaan in ay soo wajaheen dhibaatooyin badan oo ku xeeran noloshooda, waxa ayna intaas ku dareen in xataa aysan awoodin helidda waxyaabaha nolosha asaasiga u ah oo ay ka mid yihiin daryeelka caafimaadka iyo waxbarashada.




From the comments