Maamulka Hirshabelle ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warar soo baxayey oo sheegayey in dagaalyahannada Al-shabaab ay xireen wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe.
Wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Maxamed Cali Caadle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu ku sheegay in wararkaasi yihiin waxbo kama jiraan oo isku socodka gaadiidka ee wadadaasi yahay mid caadi ah.
“Isku socodka wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar waa caadi, wax xirmay ma jiraan, ammaankana waxa ka dhimman waa lagu dedaalayaa” ayuu yiri wasiirka.




From the comments