Jaamacadda Dhaa’if ee ku taalla boqortooyada Sacuudiga ayaa deeq waxbarasho siisay ilaa 90 arday oo u kala dhashay 18 dal oo caalamka ah.
Ardayda ay jaamacaddan aqbashay waxaa ka mid ah kuwo u dhashay Soomaaliya, Indonesia, Philippines, Afghanistan, Malaysia, Ruushka, Masar, Suudaan, Libya, Mali, UK, Comoros, Bosna Herzegovina, Senegal, Moroco, Falastiin, Nigeria iyo Maldives. Jaamacadda ayaa aqbashay sanad waxbarasheedka soo socda ee 1439-1440 ee Taariikhda Hijriyada.
Maamulka Jaamacadda oo deeqaha waxbarasho ka hadlayey ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii ay arday uga keeni lahaayeen dalal kala duwan, weliba ardayda kaalimaha sare galay, si ay u helaan dhammaam takhasusyada kala duwan ee waxbarsho marka laga reebo takhasusyada caafimaadka.




From the comments