Waxgaradka ku dhaqan degmada Kaxda ee gobolkan Banaadir ayaa soo dhoweeyay go’aankii uu guddoomiyaha gobolka Banaadir, C/raxmaan Cismaan Yariisow uu ku joojiyey dhismaha dhulalka muranka uu ka jiro.
Waxgaradka ayaa intaasi raaciyay in go’aankan uu wax badan ka tiri-doono degaanshiyaha Muqdisho, wax badanna ka qaban karo xaaladda ka jirta, maaddaama oo ay maalmahan danbe soo badanayeen dadka guryaha isku haysta.
Maxamed Muuse oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay iney boorinayaan go’aanka guddoomiyaha, sidoo kalena ay la shaqeyn doonaan guddiga xaqiiq raadinta ah ee arrimaha dhulalka loo xilsaaray.




From the comments