Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamuud Guuleed ( Khadar), wasiirro xukuumadda Kheyre ka tirsan, Xildhibaanno labada gole ee baalamaanka, hey’adaha socdaalka iyo ehello ayaa soo dhoweeyay 11 Soomaali ah oo laga soo daayey xabsiyada Libya.
11-ka maxbuus waxaa ku jira 3 caruur ah, 2 gabdhood iyo wiil, waxaana la sheegayaa in ilaa 200 oo maxaabiis Soomaali ah ay ku xiran yihiin gudaha Libya.
Dowladda Soomaaliya ayaa Libya u dirtay ergada u qaabbilsan xuquuqda tahriibayaasha. Maxaabiistan la soo daayey ka sokowna, waxaa jira qaar badan oo diidey in ay dalka dib ugu soo noqdaan, kuwaas oo wadahadalkooda iyo qancintoodu socoto.







From the comments