Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa jidka u galay sida la sheegay gaadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashay, hase ahaatee Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka kusoo qoray iney waxyeello u geysteen askar ka tirsan AMISOM.




From the comments