Ugu yaraan 66 qof ayaa ku dhimatay diyaarad ay leedahay Iran oo ku burburtay buuraleyda waqooyiga gobolka Asfahan ee bartamaha dalkaasi xilli ay ku guda jirtay safar gudaha ah.
Guud ahaan waxaa dhintay dadkii safarka ahaa ee diyaaaradda saarnaa, kuwaasi oo tiradooda ay gaareysay 60 rakaab ah oo lagu daray 6 ka mid ah shaqaalaha diyaaradda.
Diyaaradda burburtay ayaa waaa diyaaridii ugu dambeeyay oo ay Iran heshay kadib saxiixii heshiiska Nuclear-ka oo ay Iran la gashay 6 dowladood ee waaweyn sanadkii 2015-kii, diyaaraddan ayaa nooceeda waxaa uu ahaa ATR-72.




From the comments