Degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa maanta oo Axad ah ka furmay shir looga hadlayo amniga guud ee deegaannada Galmudug.
Shirkan ayaa socon doona Saddex maalin, waxaana ka qeybgalaya wasiirro iyo saraakiil Galmudug ah, iyadoo uu shir guddoominayo madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir.
Waxyaabaha shirkan diiradda lagu saarayo waxaa ka mid ah horumarka laga sameeyey booliiska, isku dhafka ciidamada Booliiska Galmudug, warbixinno ku saabsan ammaanka iyo in AMISOM ay ka howlgeli doonto Galmudug iyo in kale.




From the comments