Saynisyahanno u dhashay dalka Mareykanka ayaa cilmibaaris ay sameeyeen ku ogaaday faa’iidooyinka dheeraadka ah ee laga helo duruusta cilmiga ah ee laga qaato Internet-ka marka loo eego kan habka caadiga ah ee goobta waxbarashada la aadayo.
Khubaradan oo ka tirsan jaamacadda Oregon oo daraasad ballaaran sameeyay ayaa caddeeyay in adeegga waxbarasho ee Internet-ka laga helo uu dadka u saamaxo iney macluumaadka lagama maarmaanka ah u helaan si ka sahlan; ka heer sarreysa; kana faham badan, waddooyinka kale ee goobaha waxbarashada uu qofku lugihiisa ku booqanayo.
Muuqaallada waxbarasho ee Internet-ka laga helo heerka fahamka waxa uu ka sarreeyay 18% habka caadiga ah ee la booqanayo fadhiyada aqooneed ee sida caadiga ah wax loogu barto, waa sida cilmibaarista lagu sheegay.




From the comments