Shir degdeg ah oo golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu magacaabay taliyeyaasha ciidamada Booliiska, NISA, iyo Asluubta.
Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe)- ayaa loo magacaabay taliyaha ciidamada Asluubta, xilkan horey ayuu usoo qabtay, waxaana ka qaadday dowladdan uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Bashiir Cabdi Maxamed ayaa isna loo magacaabay Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, horay wuxuu u ahaa ku xigeenkii taliyaha ciidnaka Booliska.




From the comments