Ciidamada maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigey rag looga shakisan yahay iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen Koontaroolka laga galo magaalada Garoowe.
Waxay ciidamada Puntland Qabteen Labo nin oo la sheegay iney la socdeen gaari Ari siday, kana yimid dhanka gobolka Hiiraan, kuna socday magaalada Boosaaso.
Gaashaanle Sare Faarax C/raxmaan Warsame , taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal oo la hadlay warbaaahinta ayaa sheegay in raggan ay meel banaanka ka ah Koontaroolka uga degeen gaariga, islamarkaana ay doonayeen in magaalada lug ku galaan.




From the comments