Maxamuud Xasan, wasiirkii hore ee ganacsiga dowladda Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu kaga hadlay sida ugu habboon ee loo xallin karo tabashada ganacsatada gobolka Banaadir.
Waxa uu sheegay wasiir Xasan in aragti ahaan uu u maleynayo in wasaaradda maaliyadda aanay la tashi la sameyn rugta ganacsiga, ka hor inta aanay canshuurtan soo rogin.
“Wasaaradda waxaad mooddaa iyadoo aan la tashan guddiga rugta ganacsiga ayaad moodaa iney go’aan iska soo saareen, waddaankaan waa mid soo burburay oo dhibaato ka jirtay, guddiyadanna ilaa xilligaasi ayey shaqeynayeen, waxaa loo baahnaa iyadoo wasaaradda aan go’aan gaarin iney guddigan la tashato” ayuu yiri wasiir hore.




From the comments