Soo Gudbinta Labada Xubnood Ee Farsamada Dib-u-eegista Dastuurka u Matalaya Somaliland

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa soo gudbiyay labo xubin oo Somaliland u matali-doonta Dib-u-eegista Dastuurka.
Mustafe Maxamed Maxamuud waxaa loo magacaabay xubin guddiga la-socodka dastuurka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Farduus Cabdiraxman Cabdullaahi waxaa iyadana loo magacaabay xubin guddiga madaxa Bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka.
Qoraal ay heshay Goobjoog News waxaa laga codsaday wasaaradda dastuurka inay si deg-deg u howl-geliso labadan xubnood.
Guddiga la-socodka dastuurka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo ka koobnaa 10 Xildhibaan ayaa sida muuqata lagu kabi-doonaa 6 xubnood oo farsamo ahaan matali-doona maamul goboleedyada 6-da ee Somaliland, Puntland, Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Sidoo kale 6 xubnood oo matalaya isla maamulladaasi waxaa lagu daray guddiga madaxa Bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka.
Goobjoog News