Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ku sugan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhammeystiri doono heshiiskii Galmudug iyo Ahl-sunna.
Waxa uu sheegay in Galmudug ay horumar gaartay, ayna midoobeen dadkeeda, iyaguna ay diyaar u yihiin in la dhammeystiro wax walba oo jira.
“Galmudug Horumar bay gaartay, waxaan rajeyneynaa in kor loo qaado, la bilo, gacmaha la isqabsado, la tiro wax walbo oo la kala tabanayo, dhammaanteenna diyaar baan u nahay, wax walbo in la dhammeytiro, dhulka meel walbo oo kamid ah nabad aan ku marno” ayuu yiri Sheekh Shaakir.




From the comments