Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho uu ku jiro gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.
Wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Abukar Islow Ducaalle ayaa shirkii maanta ee golaha wasiirada ku lahaayeen magaalada Muqdisho ka hor sheegay in gaarigan ku dhex jiro magaalada.
Waxa uu tilmaamay wasiirka in gaarigani uu yahay NOHA oo loo ekeeysiiyay gaadiid ka shaqeeya garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.




From the comments