Kulan lagaga hadlayey amniga iyo xasilinta gobolka Mudug ayaa maanta lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Waxaa kulankaan ka qaybgalay mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, maamullada Puntland, Galmudug, saraakiil ciidan, xubno ka socday UNSOM.
Kulankan oo ahaa mid albaabadu u xiran yihiin ayaa diiradda lagu saaray sidii loo tayeen lahaa ciidamada ka shaqeeya ammaanka gobolka oo ay ugu horreeyaan kuwa isku dhafka ah ee Booliiska, una heli lahaayeen dhammaan agabyadii ay ku shaqeyn lahaayeen iyo xarumahii ay ku howlgeli lahaayeen.




From the comments