Waxaa hadda Muqdisho ka socota dhex-dhexaadin iyo wada hadal looga gol-leeyahay sidii loogu tartami lahaa kursiga ay leedahay beesha Habar-Carfoon (Gadabuursi) oo qeyb ka aha deegaannada Somaliland.
Goobta doorashada ka socotay waxaa ka dhacay buuq looga soo horjeeday khudbadda mid ka mid ah labo qof oo kursigan u tartamaya, waa Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan taas oo keentay in ciidamada ammaanka ay ilaa 20 ergada doorashada ka tirsan dibadda u saaraan, kaararkana ka qaadaan.
Kursigan maanta la dooranayo, waxaa bishii Febraayo ee sanadkii hore ka geeriyooday Xildhibaan Siciid Xasan Geeddi, waxaana hadda u tartamaya wiilkiisa Faarax Saciid Xasan iyo Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan.





From the comments