Allah ha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyoodey wariye Axmed Xasan Colaad oo ka tirsanaa Idaacadda VOA, laanta afka Soomaaliga.
Colaad ayaa la sheegay in xalay saqdhexe uu naqaska ku dhegay, kadibna uu geeriyoodey, kahorna ma jirin wax xanuun ah oo uu qabay.
C/qaadir Maxamed C/lle Okey oo kamid ah wariyeyaasha ay isla shaqeeyaan Colaad VOA Somali ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay socoto qaban qaabada aaska marxuum Colaad.




From the comments