Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaannada Koonfur galbeed ayaa taageeray go’aankii kasoo baxay baarlamaanka maamulkaasi Febraayo 19-keedii, kaasi oo ku aadan in dhammaadka sanadkan ay dhacdo doorashada madaxweynaha.
Golaha badbaada Koonfur galbeed ayaa saxaafadda u sheegay iney ku faraxsan yihiin go’aankaasi, islamarkaana muddo badan ay sugayeen.
golaha ayaa intaasi ku daray in wax wanaagsan ay tahay xilligaan in la helo isbedal cusub iyo sidoo kale in baarlamaanka uu soo doorto madaxweyne cusub 10 bil kadib.




From the comments