Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in askar Kenyan ah ay toogteen ka dib markii ay weerareen xarun ciidanka kaga sugnayeen gobolka waqooyi bari ee Kenya.
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Mandheera ee gobolka waqooyi bari ee Kenya, halkaas oo ay Al- shabaab ku dileen shan sarkaal oo ka tirsan ciidanka boliiska Kenya, halka saddex kalana ay dhaawacyo soo gaareen, oo mid ka mid ah xaaladiisa caafimaad ee aad u liidato, sida uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters, Eric Oronyi, oo ah taliye ku xigeenka saldhigga Lafey ee hoos yimaada deegaanka Mandheera ee gobolka waqooyi bari.
Eric Oronyi, waxaa uu intaas ku daray in Al- shabaab ay burburiyeen isgaarsiintii saldhigga booliska, waana xadka ay Soomaaliya la wadaagaan.




From the comments