Al-shabaab Oo La Wareegtay Qeybo Ka Mida Balcad
Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerareen degmada Balcad oo dhacda Waqooyiga Muqdisho.
Ilo wareeydo ku sugan Balcad ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Al-shabaab ay la wareegeen saldhigga booliska Balcad ee gobolka Sh/dhexe, dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in uu hadda socdo dagaal iyo is rasaaseyn culus, ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha jira.
warkan wixii ku soo kordha kala soco Goobjoog.com
Goobjoog News