Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay howlgallo ballaaran ka wadaan deegaanno ku dhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalkaan ayaa warbaahinta u sheegay inay ku raad joogaan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo shalay la wareegay deegaanno hoos taga degmada Balcad oo ay weerar kusoo qaadeen.
Lama sheegin howlgalka cid ay ciidamadu ku soo qabteen, hase ahaatee waxaa degmada Balcad saakay ilaa iyo xalay gaarayey ciidamo badan oo Xoogga Dalka ka tirsan.




From the comments