5-ta ee ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ka joogaan Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ka codsaday in sii joogaan illaa 2020-ka.
Qorshaha ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Uganda, Kenya, Burundi, Ethiopia iyo Djibouti ka jooga Soomaaliya ayaa ahaa sanadkan, laakin sida muuqata arrintaasi waa iska diideen.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Uganda Sam Kutesa ayaa sheegay in qaraarka golaha ammaanka 2372 ee Aug. 30, 2017 uu ahaa in ay baxaa AMISOM si tartiib ah illaa 2020-ka, laakin AMISOM ayaa rabto in ay bixitaanka tartiibka ah bilowdo 2020-ka waayo dooddeeda waxaa ay ku soo biyo-shubaneysaa in haddii ay baxaan la lumin-doono shaqadii ay hayeen 10 sano, oo sheekada noqon-doonto gadaal ka soo bilow.




From the comments