Imaaraadka Oo Si Xun Ula Dhaqmay Ra’isul Wasaare Kheyre

Marka aan ka hadleyno dawladnimadu maaha in la sheegto laakiin waxaa ay u baahantahay in la lagu dhaqmo qoraalkayga gaaban, waxaan ku eegayaa dawlada Soomaaliya iyo hagardaamada lagu sameynayo ee kaga imaanaysa dawladaha adduunka qaarkood.
Dowlad walba oo adduunka waxaa jira xeer siyaasadeed oo ay dalalka kale kula dhaqanto, dawladwalba waxa ay jeceshay in sida ay u ilaalinayso xeerkaas in aan lagu soo xadgubin.
Marka aan ka hadlo Soomaaliya sidii ay ahayd iyo maanta sida ay tahay farqi weyn ayaa u dhexeeya waxaana sabab u ah moojadaha siyaasadeed ee nahagdaamiyay noona diidan in aan markale cagaheeda ku istaagno , waxaasi ka sii daran in siyaasiyiinteenu ay garan la’yihiin hagardaamadaasi aafaysaya hormarka shacabka soomaaliyeed iyo aayihiisa ,
Yaan hadal idin ku badin, qoraalkayga waxa uu ku saabsantahay arintii ugu danbeysay ee dawlada imaaraadku ay sameysay mana kahadlay arinta ku saaba heshiiskii sadex geesoodka ahaa ee dhexmaray shirkadda Port Wolrd, Somaaliland iyo Itoobiya laakiin waxaan ka hadlayaa arinta ka duwan ee ah in ra’iisul wasaarihii dawlada lagu marti qaado dalka imaaraadka isla markaana asaga oo jooga la saxiixo heshiiskan sadexgeesoodka.
Inta aan qodobkaas u guda gelin waan in aan ogaanaa dalkeena Soomaaliya oo aad moodo in weli faragelin shisheeye in lagu hayo ayadoo weliba ah mid muuqata ,hadii shalayto aan ku andacoonjiray in reergalboodka iyo dawladaha deriskuba in ay faragelin nagu hayaan, waxaa soo baxday mid cad oo muuqata , dawlada imaaraadka oo ka mid ah dawalaha khaliijka ayaad moodaa in sanadihii ugu danbeeyay in ay faragelin ku hayso dalwado badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay ujeedkeeduna waxa weeye sidii ay u ilaalin lahayd dhaqaalaheeda oo ah mid xoogan .
Hadaba su’aasha aan isweydiiyay, waxa ay tahay in heshiiskan la saxiixo ayada oo ra’iisul wasaarihii soomaaliya oo ku sugan yahay dalka imaaraadka maxaa keenay ?
Jawaabteedu waxa ay tahay in dawlada imaaraadku ugu tala gashay in arintu sidaa noqoto waana mid layaabo waxa ayna ku tusaysaa in imaaraadku aysan aqoon sanayn soomaaliya qiimana u lahayn waayo in ay ra’iisal wasaarihii ku marti qaadaan hadana ay ku ceebeeyaan waa arin fool xun
Su’aasha kale ee aan isweydiiyay waxa ay tahay safiirka Soomaaliya u fadhiya imaaraadka miyuusan arintan ka war hayn, waxaana hubaal ah in Imaaraatiyiintu aysanba qiima u yeelin mar hadii ra’iisul wasaarihii oo dhan bilaa qiima laga dhigay ,
Isku soo duub arinatan lagu sameeyay dawlada Soomaaliya waa arin lagu ceebeynayo laguna dhabar jebinayo sidaa darteed waa in mas’uul kasta oo soomaaliyeed uu ku cibrad qaataa arintan ku dhacday ra’iisul wasaaraha dawlada soomaaliya . isla markaana fahamnaa qiimaha dawladanimada ee aysan naga noqon sheegasho uun keliya .
W/Q: Xasan Cabdi Maxamed