Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in kalfadhiga 3aad ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya uu furmi-doono 10 bishan March 2018-ka.
Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in kalfadhiga uu furi-doono madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyada oo lagu qaban-doono xafladda furitaanka meel aan aheyn xarumaha labada aqal.
Baarlamaanka federaalka ah ayaa ka soo laabtay fasax labo bil ah, waxaana lagu wadaa in kalfadhiga ay ansixiyaan sharciyo badan oo muhiim ah dalka.




From the comments