Maanta oo Axad ah ayaa la filayaa in magaalada Muqdisho ay soo gaarto diyaarad sidda maxaabiis Soomaaliyeed, kuwaasi oo muddo badan ku xirnaa dalka India.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in maxaabiistaan ay tiro ahaan ka badan yihiin 70, kuwaasi oo dambiyo kala duwan loo haystay.
Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa laga dareemayaa qabanqaabada soo dhoweynta maxaabiista, iyadoo la filayo iney halkaasi gaaraan xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.




From the comments