Wareysi uu Telefishinka Dubai siiyay maareeyaha shirkadda DP World Sultan bin Saliim ayuu ku sheegay in go’aanka dowladda federaalka ah ay uga hortimid heshiiska Berbera aanu khuseyn iyaga, Somaliland-na ay tahay dowlad madax-bannaanayd muddo 28 sano ah oo go’aan leh, isla markaana ay ka jirto dimuqraadiyad, mashruucanna uu ansixiyey Baarlamaanka Somaliland, isaga oo intaasi raaciyay in xukuumadda federaalka ah aaney awoodin in ay wax ka beddesho, oo ay ka adag yihiin uun hadal, hadalkana aan laga horjoogsan karin.
Sultan bin Saliim waxaa uu sidoo kale hoosta ka xarriiqay in mashruucan uu dhaqan-galayo, ayna heshiisna ku yihiin iyaga iyo kuwa ay shurakada yihiin ee Somaliland iyo Itoobiya.
Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo ka jawaabay hadalkan ayaa sheegay “Midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya waa lamataabtaan, ….waxaannu leennahay looma dulqaadan karo ku xadgudubka midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.”




From the comments