Guddiga gurmadka qaraxii Soobbe ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeey gurmadkii ay wadeen bilihii ugu dambeeyay, kaasi oo ay ku caawinayeen dadkii uu saameeyay qaraxii Sobbe ka dhacay 14-kii October ee 2017.
Guddoomiyaha guddigaasi Cabdillaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay in ay hadda joojiyeen ururinta lacagaha ayna soo afjareen howlihii gurmadka ee Qaraxii Soobbe.
Waxa uu tilmaamay in intii tabartooda ah wax u qabteen dadkii waxyeellada kasoo gaartay qaraxii Soobbe, carrurtii agoonta ahaana ay hay’ado iyo dowlado kafaalo qaadeen inay wax u qabtaan.




From the comments