Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka soo horjeestay heshiiska saddex-geesoodka ah ee dekedda Berbera, kaasi oo ay ku tilmaameen in uu yahay sharci darro.
Guddoomiyaha xisbigaasi Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa aya sheegay in heshiiska dekedda Berbera aanay taageersanayn, horayna aanay u taageerin isla markaana uu ku jiro mad-madow badan – sida uu hadalka u dhigay.
“Xisbiga Waddani, horay uma taageerin, haddana ma taageerayo xukuumadda Somaliland heshiisyo aanay u marin dariiq habboon, oo daah-furan, oo mugdi iyo mad-madow toona ku jirin”.




From the comments