Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Booliis, Xoogga Dalka iyo Nabad-sugid ayaa maanta waxay howlgal ballaaran ka sameeyeen magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.
Howlgalkaan ayaa si gaar ah waxay ciidamadu uga sameeyeen xaafadda Kooshin ee magaalada B/weyne iyadoo lagu soo qabtey boqolaal qof oo shacab ah, una badan dhallinyaro.
Wariyeyaasha Goobjoog News, ayaa waxay soo sheegayaan in dadka la soo qabtay la geeyay xarumaha dambi baarista ee magaaladaasi, iyadoo dadka qaar la sii daayey, kadib markii wax dambi ah lagu waayey baaritaanka Koowaad.




From the comments