Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatey inay xabsiyada kasoo deyso maxaabiis Soomaaliyeed oo muddo ku xirnaa dalka Liibiya, kuwaasi oo aqbalay in dalkooda dib loogu soo celiyo.
Cali Saciid Fiqi, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo wareysi siiyey warbaahinta dowladda ayaa sheegay in qaybtii Labaad oo ah maxaabiis laga soo daayey xabsiyada Liibiya ay dalka usoo ambabaxeen.
Dhallinyarada soo socota ayaa tiro ahaan lagu sheegay 13, waxay soo marayaan dalalka Tunis iyo Turkiga, iyaga maalinta Berri ah imaan doona magaalada Muqdisho.




From the comments